Safarka Dib-u-dejinta Qaxootiga ee dalka Kanada

Immigration, Refugees and Citizenship Canada | December 30, 2020

Dib-u-degidda dalka Kanada ee qaxooti ahaanta ayaa waxaa ka buuxa filasho, rajo iyo caqabado.Wax weyn bay taraysaa in la oggaado waxa la filyo iyo adeegyada iyo taageerada aad heli karto marka aad tahay qaxooti dib-u-dejin loo sameeyay si lagaaga caawiyo in degidda dalka Kanada.Ka hor inta aadan imaan, ayaa waxaad tababarka Hannuuninta Kanada ee Dibedda ka soo qaadan kartaa hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka. Tani waxay kugu caawin doonta in aad wax badan ka oggaato dalka Kanada iyo sida loogu diyaar-garoobo safarka.Marka ugu horreysa ee aad timaado dalka Kanada adiga oo qaxooti dib-u-dejin loo soo sameeyay ah, hay’ad ay maalgeliso Dowladda Kanada ama kafaala-qaadayaashaada gaarka ah ayaa gacan kaa siin doonna daboolidda baahiyadaada degdegga ah. Waxay kugu soo dhaweyn doonnaan garoonka diyaaradaha, waxay ku siin doonnaan meel aad si ku meelgaar ah u joogto iyagga oo kaa caawin doonna in aad hesho guri joogto ah. Waxay sidoo kale kaa caawin doonnaan in aad xisaab banki furato, in aad carruurtaada iskuul ku qorto, iyo in aad barato sida loogu dhex socda bulshadaada cusub.Sida qaxooti dib-u-dejin loogu sameeyay dalka Kanada ahaan, ayaa waxaad sidoo kale heli kartaa adeegyada degidda oo bilaash ah si lagaaga caawiyo in aad la qabsato oo aad ku dhex guuleysato bulshadaada cusub gudaheeda.